War deg deg ah: dad ajaanib ah oo xeryaha Kenya lagu afduubay

by Hassan Ali | Thursday, Mar 2, 2017 | 82 views

2,March,2017(SofoNews) Sida ay sheegayaan qaar kamid ah dadka qoxootiga ah ee kunool xeryaha dalkaasi Kenya, in waxaa halkaasi laga qafaashay dad ajaanib ah oo kamid ahaa shaqaalaha samafalka ee ka howlgala dalkaasi Kenya.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in Labo macalin oo lasheegay in ay ahaayeen ajaaniib Kuwaasoo wax ka dhigayey Dugsiyada ku yaala Xeredaasi halkaasi afduub loogu geystay waxayna waxbarasho lacag la,aan ah ay u fidin dadka qoxootiga ah ee kunool xeryahaasi.
Waxaana Afduubayaashii la sheegay in ay lasoo galeen Dhanka Guddaha Soomaaliya waxaana Xeradaasi Dhadhaab kujira Qaxooti Fara badan oo Soomaali ah.
Majiraan ilaa iyo haatan cid sheeganayso mas’uuliyadda afduubkaasi balse inta badan dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro ay geysanayaan

Like it? Share it!

Leave A Response