Waqtiga doorashada guddoonka baarlamanka oo la shaaciyay

by Hassan Ali | Monday, Jan 2, 2017 | 151 views

2,1,2017(SofoNews) Kadib kulan maanta ay ku yeesheen magalaada Muqdisho xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa loogu dhawaaqay waqtiga ay dhacayso doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga oo si gaar ah u heshay Shabakada Allbanaadir.com ayaa lagu shaaciyay in Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya la qabanayo 11-ka bishan Janaayo, halka Gudoomiye kuxigeenada iyana la dooran doono 12-ka Janaayo.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxay siweyn u falanqeeyeen arrimo dhowr ah waxaana guddoomiye ay u doorteen C/raxmaan Ducaale Beyle.

Ololihii ugu dambeeyey ayaa ka soconaya magalaad Muqdisho waxaana mashquul xoogan uu kajira hoteelada qaar kood xarumaha dowladda iyo xafiisyada madaxda sare.

Doorashada oo waqtigeeda dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid ayaa weli waxaa harsan xubnaha gobolada Waqooyi u matalaya aqalka sare iyo kan hoose intuba

Like it? Share it!

Leave A Response