Walaal Alle dartiisa uga qeyb qaado dhameystirka Masjidka Alxarmeyn ee Jowhar

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 94 views

14,March,2017(SofoNews) Masjidka Alxarmeyn ee kuyaala magaalaad Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha Dhexe ayaa wuxuu yahay in muddo ah qabyo ayadoo bulshada Soomaaliyeed loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha masjidkaasi.
Shir ay isugu yimaadeen Ganacsatada, Culumaa’udiinka, Dhalinyarada iyo Qaar ka mid ah Shirkadaha ka howlgala Magaalada Jowhar, shirkaas oo looga arinsanayey sidii dib looga dhisi lahaa loogana dhigi lahaa laba Dabaq masjidka Weyn ee Magaalada Jowhar.
Kulan looga hadlayay sidii looga qeyb qaadan laha dhismaha masjidka Alxarmeyn ee magalaada Jowhar ayaa ka dhacay halkaasi ayadoo Isla goobta lagu yaboohay lacag ka badan boqol kun oo Dollar, Xoolo nool iyo qalab dhismo kaasi oo ay iska soo uruuriyeen bulshada Soomaaliyeed.
Guddiga Masjidka Al Xaramayn ee ku yaal magaalada Jowhar gaar ahaan suuqa weyn ee Hantiwadaag waxa ay ka codsanayaan ummada islaamka inay ka qeyb qaataan ballaarinta Masaajidka oo la doonayo in laga dhigo dhismihiisa mid labo dabaq ah.
Guddiga iyo culumaa’udiinka oo la hadlay jowhar.com ayaa sheegay in Muslimiinta Meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan Soomaalida dal iyo dibadba ay ka qeyb qaataan Dib-udhiska Masjid Al Xaramayn Jowhar.
Guddiga ayaa bulshada Soomaaliyeed u sheegey in lacagahaasi ay ku soo hagaajin karaan accounadan soo socoda.
Salaam Bank 31375604.

Dahabshiil Bank MUQD0028481

EVC-Plus : 612784000

Like it? Share it!