Walaac Soomaalida Mareykank oo circa isku shareerey

by Hassan Ali | Saturday, Feb 4, 2017 | 170 views

4,February,2017(SofoNews) Tan iyo Markii  Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay go’aanada ka dhanka ah dadka soo galootiga ah ayaa waxaa sii kordhayey walaaca iyo walwal fara badan oo ay qabaan Muslimiinta Maraykanka Gaar ahaan Soomaalida ee dalkaasi kunool.

Culimaa’udiinka magaalada mineapuls ee gobolka Minsota ee Mareykanka gaar ahan kuwa misaajidka Darul Hijra ee ku yaalla xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Ceder waxaa bannaanka hore ee masaajidka soo buux dhaafiyey shacab  badan kuwaasi oo siweyn uga soo horjeeda go’aanka Trump.

Imaamka Masjidka Darul Hijra Sheekh Cabdiraxmaan Shariif ayaa
soomaalida u sheegay in la is dejiyo isla markaana qof walba uu ogaado
xaquuqda uu waddankani ku leeyahay waxaa uu la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida kuwaaasi oo loo jeediyaay fariimo ku aadan dareenka ay qabaan iyo isda looga jawaabi karo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxakamada federal ah oo ku taala dalka Mareykank ay hakisay go’aankii madaxweyne Donal Trump taasi oo keeni karta in dad badan ay fursad u helaan in ay galaan Mareykanka kuwaasi oo ku xanib naa air poorada.

Like it? Share it!