Walaac laga muujinayo amarka cusub ee madaxweyne Trump

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 7, 2017 | 89 views

7,March,2017(SofoNews) Awaamiirtan cusub uu soo saaray Madaxweyne Donal Trump ayaa ka dambeysay kadib markii amarkiisii hore oo ka mamnuucayey dadka kasoo jeeda toddobo dal uu diiday xaakim federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington.
Wuxuu amarkani cusub uu ka reebaya dadka reer Iraq in ay MAreykanka laga hor istaago islamrkaana ay u fasaxanyihiin balse waxaa kujira weli lix dal sida Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.
Amarkan cusub ayaa waxaa sidoo kale uu kaga duwan yahay kii hore inuusan dhaqan galeyn durba, oo uu si buuxda u billaabanayo 16-ka bishan March.waxaana uusan saameyneyn dadka haysta sharciga degenaanshaha Mareykanka ee kasoo jeeda lixda dal ee la mamnuucay.
Rex Tillerson oo ah xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in amarkan la soo cusbooneysiiyay uu muhiim u yahay xoojinta ammaanka dalka Maraykanka
Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in amarkan uu yahay mid si mas’uuliyad ku jirto uu fursad u siinayo shacabka Maraykanka mid ay ku hubin karaan ammaan darada ugaga iman karta dalalka muwaadiniintooda la xayiraada la saaray.
Amar uu Trump soo saxiixay bishii Janaayo 27keedii ayaa waxaaa ka dhashay jahwareer ay la kulmeen garoomada diyaaradaha dalka Maraykanka,kadibna waxaa xigey banaanbaxyo is dabo joog ah iyo dhaleeceyn caalami ah.

Like it? Share it!

Leave A Response