Wadooyinka Gaalkacyo qaar kood oo saaka kala xiran

by Hassan Ali | Monday, Dec 12, 2016 | 155 views

12,December,2016(SofoNews) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu sooo warramaya in xaalad kacsanaan ahi ay ka jirto ayadoo wadooyinka qaar ay xiranyihiin.

inkastoo Xaaladu ay tahay mid degan isalmrkaana dib ay u soo laabteen adeegyadii bulshada hadda wali waxaa gaalkacyo laga dareemayaa  Xaalad kacsanan ah madama suuqa weyn ee Gaalkacyo gaar ahaa halka loo yaqaano ka Cagaaran  la Dhigay  juwano ciida ah oo lagu xiray isku socodka gadiidka ganacsiga ee Konfurta iyo waqooyiga Magalada Gaalkacyo .

Qaar kamid ah dadka Ganacstada magaaladaasi  ayaa sheegay in dhib weyn ay ku qabaan xernaashaha  wadooyinka Gaalkacyo waxeyna sheegeen in dhinacood ay ka qeyb qaataan kala gudbinta badeecoyinka u kala gudba waqooyiga iyo konfurta Gaalkacyo madama gadiida uu isku gudbi karin .

Waxaa la arkayay dhag xaan iyo ciid lagu xiray meelaha qaar taasi oo ku adagtahay gaadiidku in ay isaga kala gooshaan,cabsi iyo walwal ayay dareemayaan dadka kunool gaalkacyo.

Gudiyada iskun dhafka ee galmudug iyo puntland lona xilsaaray nabadda Gaalkacyo ayaa kulmadooda waxaa uu ku aruuray is araga iyo wada shekeysi waxaana shacabka wali ay isweydiinayaan wax loo gaari la yahay heshiis buux.

Like it? Share it!

Leave A Response