Waddooyinkii ku xirmay dagaaladii Gaalkacyo oo dib u furmay

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 88 views

29,March,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya magaalaad Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay ain Maamulka Puntland uu Furay Wadooyinkii ku xirmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa bixiyay amar ku saabsan in lakala furo waddooyinka magaaladaasi, Duqa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa ku dhawaaqay in dowlad goboleedka Puntland ay si rasmi ah ay u fureen Wadooyin ku xirmay dagaalladii Gaalkacyo.
Waxaa uu tilmaamay in ay si shuruud la’aan ah in ay ku fureen Wadooyinka ,islamarkaana Galmudug laga doonaayo in ay Furaan Wadooyinka xiran dhankooda
Dagaalo horey uga dhacay magaaladaasi ayaa sababay in ay xirmaan waddooyinka qaar islamarkaana ay saameeyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa dadaallo nabadeed waday gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland, ayadoo Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo ay dhibaatooyin badan ku qabeen xirnaanshaha Wadooyinka.

Like it? Share it!