Wadamada Midowga Yurub oo si kulul u cambaareeyeey xukun dil ah oo ay fulisay Puntland

by Hassan Ali | Thursday, Apr 13, 2017 | 136 views

13,April,2017(SofoNews) Ururka Midowga Yurub ayaa waxlaga xumaado ku tilmaamay ciqaabtii dilka aheyd ee ay fulisay Maxkamadda Ciidamada Puntland, kaddib markii 8-dii bishan shan dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagu toogtay duleedka Boosaaso waxayna ku baaqeen in lajoojiyo ciqaabaha dilka ah.

Qoraal ay soo saareen wadamada Yurub ayaa waxaa looga muujiyay fulinta ciqaabtan dilka ah, waxaana ay sheegeen inay ciqaabta dilka ay tahay mid aan naxariis laheyn oo ka baxsan bani’aadanimada.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay isticmaalka ciqaabta dilka ah ee ay adeegsadaan Maxkamadaha ciidamada Soomaaliya.

Waxay ugu baaqday Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay si kumeel gaar ah u hakiso xukunada dilka isla markaana ay xaqiijiso in dadka rayidka ah la saaro maxkamadaha rayidka.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta nidaamka garsoorka Soomaaliya iyo horumarinka dhaqanka sharciga iyo cadaalada, waxaana ay ugu baaqeen maamulada Soomaalida in la joojiyo isticmaalka ciqaabta dilka.

 

Like it? Share it!