Waa sidee xaaladda magalaada Gaalkacyo

by Hassan Ali | Tuesday, Oct 25, 2016 | 112 views

25,October,2016(SofoNews)  Wararka ka imaanaya magalaada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay tahay mid degan  kadib markii maalmahaan ay ku dagaalamayeen Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaaladasi ayaa sababay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac iyo barakaca dad badan.

Qaramada Midoobay ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 70 kun Ruux ay ku barakaceen dagaalada muddada seddexda todobaad qaatay ee ka socday Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa soconaya  waan waan ay samaynayaan odoyaal dhaqamedyo iyo Masuuliyiin kale, inkastoo laga soo sheegayo in ay wali socdaan barakaca Dadka deegaanka oo ka baqaya in mar kale lagu dul dagaalo.

Dadka ku sugan Magaalada ayaa sheegaya in Xaafadaha qaar aysan Dad badan ku sugneyn marka laga reebo kuwa yar oo ilaashanaya hantidooda.

Hay’adda QM u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada UNOCHA ayaa ka walaacsan in xaalado bani’aadanimo ay dagaaladaasi ka dhashaan

Like it? Share it!

Leave A Response