Waa sidee xaaladda caafimaad xildhibaankii hslaya lagu dhaawacay Gaalkacyo

by Hassan Ali | Thursday, Mar 9, 2017 | 114 views

9,March,201&(SofoNews) Xaaladda caafimada ee xildhibaan katirsan baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo C/qaadir Cali faarax (Bootaan) oo shalay lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramaya in ay soo xagaagayso.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay xaalada Xildhibaanka ay tahay mid wanaagsan inkastoo dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxii xildhibaanka Gaariga loogu xiray.
Dhanka kale Guddoomiyaha waxa uu sheegay in aysan jirin cid kale oo ay waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxaasi, wuxuuna sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.
Waxa uu sheegay in aysan jirin cid loo soo qabtay Qaraxaasi Gaariga loogu xiray xildhibaan Bootaan, balse waxa uu sheegay in lagu raadjoogo raggii ka dambeeyay dilka Marxuumka.
Qarax ayaa la sheegey in uu ahaa mid lagu xiray gaari uu lahaa xildhibaankasi xili uu ku sugnaa Waqooyiga magaalaad Gaalakcyo ee xarunta gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response