Waa kuma Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Hassan Khaire?

by admin | Thursday, Feb 23, 2017 | 155 views

Waxaa uu ahaa sarkaaalka ugu sarreeya heyadda laga leeyahay Ingiriiska ee magaceeda loo soo gaabiyo SOM-GAS taasi oo uu maamulo Michael Howard, wasiirkii hore ee arimaha gudaha Ingiriiska.

Mr. Hassan Khaire ayaa waxaa waqti gaaban ku socotay dacwad ay dabagalkeedu wadeen Kooxda dabagalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea (SEMG).

Kooxdan ayaa waday baaritaan ah in rai’sul wasaaraha cusub uu xiriir la lahaa Xarakada Al-shabaab iyo in shirkaddiisa ay sidoo kale xiriir kala dhaxeeyo Kooxda mucaaradka ku ah dowladda.

SEMG ayaa qoraal ay soo saareen baaritaanada kaddib ku sheegay in mr. Khaire ay ku waayeen wax cadayn ah oo muujinaya eedeynta loo soo jeediyay taasi oo ugu dambeyn guddi katirsan UN uu sheegay in uu nadiif yahay.

Waxaa uu ka soo jeedaa Beesha Murusade (Foor Culus), waxaa uu ka mid ahaa latalayaashii madaxweynihii hore ee Xasan Sheikh.

Waxaa uu kamid ahaa xubnaha ugu sareeya heyadda NRC ee dalka Norway.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa boggiisa Twitterka kaga codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan mudanaha cusub.

Mr. Khaire waa nin ku cusub saaxadda siyaasada Soomaaliya hasee yeeshee waa nin galaangal badan, oo xiriir la leh heyado caalami ah iyo dowlado u badan kuwa galbeedka.

Like it? Share it!