Van Gaal iyo mourinho oo isku raacay in United loolanka Koobka ay kujirta 

by admin | Saturday, Apr 4, 2015 | 537 views

Tababaraha kooxda United Van Gaal ayaa aaminsan in wali kooxdiisa ay ku guuleysan karto koobka Ingiriiska iyada oo fadhida kaalinta 4-aad sideed dhibcoodna u jirta Kooxda hogaanka heysa ee Chelsea.

Balse Tababaraha kooxdiisa ay hogaanka ku raaxeysanayso Mourinho ayaa aragtidaasi ku raacay oo sheegay in arinta kaalin afaraad ahayn ee ay tahay dhibcaha u dhaxeeya kooxaha qeybta sare ka jooga Miiska.

Tirada ayaa muhiim ah ayuu yiri tababaraha Chelsea waana macquul in Uinted ay dar dar soo gasho maadaama ay sameeyeen guulo cajiib ah iyo bandhigyo sdioo kale, waxay sidoo kale heleen natiijooyin wanaagsan ayuu yiri Especial One.

Kooxda United ayaa sand aad u liita ku bilowday wareegga horyaalka Ingiriiska hasee yeeshee bandhigyo cajiib ah ayay sameeyeen kulamadii ugu dambeeyay oo kii ugu dambeeyay ay ku garaaceen kooxda Liverpool.

Like it? Share it!

Leave A Response