Ururka Daacisho oo gowraacay 3 askari oo Puntland katirsan

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 1, 2017 | 123 views

1,February,2017(SofoNews) Wararka ka Imaanaya deegaanka Karin ee Puntland ayaa sheegaya in ilaa 3 qof lagu dilay deegaankaasi kuwaasi oo ay dileen kooxo taabacsan Ururka Daacish.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in la arkay saaka madaxyada ilaa 3 qof oo la sheegey in ay gowrac ku dileen Daacish waxaana lagu arkay tuulada Karin oo qayaas ahaantii 50 KM u jirta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee ku aadan dilka sidaxdaasi qof.

Waxaa wararku ay sheegayaan in ay kamid ahaayeen 3 qof 5 ruux oo dhawaan gaari ay kala degeen kooxahaasi kuwaasi oo katirsanaa ciidamada amaanka maamulka puntland.

Warar ay baahiyeen kooxahaasi ayaa ku sheegey in ay dilidoonaan kuwa kale oo gacanta ugu jira, Daacish ayaa dagaal kula jirta ciidamada amaanka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response