Ururka Alshabaab oo soo bandhigay manhaj cusub oo waxbarasho

by Hassan Ali | Sunday, Apr 2, 2017 | 69 views

2,April,2017(SofoNews) Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay soo bandhigtay manhaj cusub oo loogu tala galay in lagu dhigo Dugsiyada hoose ee kuyaala Degmooyinka iyo deegaanada kale ay kooxdaasi gacanta ku heyso.
Buugaagta Manhajkan cusub waxaa soo saaray Maktab Al Shabaab u qaabilsan Waxbarashada iyo bar baarinta, waxaana buugaagtan cusub lagu soo bandhigay Munaasabad ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin katirsan Al Shabaab.
Al Shabaab buugaagtan ay soo bandhigeen ee lagu dhigayo dugsiyada hoose waxaa kamid ah Maadooyinka Carabiga, Fiqiga, Towxiidka , Tajwiidka, Taariikhda, Jugraafiga iyo kuwa kale oo loogu tala galay in wax lagu baro caruurta dugsiyada hoose dhigata.
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ka hadlay munaasabada lagu soo bandhigayay manhajkan cusub ayaa ugu baaqay dadka kunool goobaha ay ka taliyaan in ay ka faa’iideestaan cilmiga ku qoran buugaagtan.

Like it? Share it!

Leave A Response