UN oo tababaraya Garsoorayaal Soomaaliyeed

by admin | Tuesday, Jul 18, 2017 | 139 views

18 July 2017 (Somalia Focus) – Qaramada Midoobay iyo dowladda Federaalka ah ayaa si wada jir ah u qaaday barnaamij lagu tababarayo 350 saraakiil oo kamid ah kuwa heyadda cadaaladda ee dalka.

Sida uu sheegay David Akopyan oo ah ku xigeenka madaxa UNDP ee Soomaaliya, ujeeda barnaamijkan ayaa ah sidii hore loogu qaadi lahaa cadaaladda, hanaanka maamul wanaagga iyo soo celinta sharciga iyo kala dambeynta.

Heyadda UNDP waxay diyaar u tahay buu yiri sidii ay dowladda Soomaaliyeed uga caawin lahayd in ay dib isu taagto islamarkaasina ay adeegsato sharcigeeda. Hadalkiisa ayuu sii raaciyay in ay rabaan Soomaaliya oo cadaalad, nabad iyo shaqo ba leh.

Ibraahim Suleyman madaxa garsoorka dalka ayaa sheegay in tababaro nuucan ah ay caawin karaan horumarinta dalka si garsoorka uu u noqdo mid heerarka caalamiga ah la jaan qaadikaro.

Wuxuu sheegay in ay u baahan yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan nidaamka garsoorka iyo heyadaha cadaaladda islamarkaaina imaankarto isku shaandheyn lagu sameeyo xubnaha.

Garsoorka ayaa kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee la doonayo in laga toosiyo dalka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helan cadaalad dhameystiran.

Like it? Share it!