Uganda oo bilowday in ay Ciidamo kala baxdo Soomaaliya

by admin | Friday, Dec 8, 2017 | 49 views

Mogadisho (Somaliafocus) – Dowladda Uganda ayaa bilowday in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya iyaga oo la dagaalamayay xoogagga al Shabaab ee doonaya in ay wiiqaan awoodda dowladda.

Afhayeen u hadlay ciidmada Uganda Brig. Richard Karemire ayaa sheegay in ay bilaabeen in ciidmado ay ka saaraan Soomaaliya taasi oo socondoonta illaa iyo 31. December.

Qiyaastii 280 askari ayuu sheegay in ay ka bixi doonaan Sooomaaliya ka hor inta uusan dhamaanin sanadka.

Dhaqaaqan ayaa qeyb ka ah qorshe AMISOM ay ku dooneyso in lagu yareeyo tirada ciidamada ka howlgalaya Soomaaliya waxaana ciidmada Uganda ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee la keeno Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response