Turkeyga oo xarun lagu tababaro ciidanka Soomaaliya oo Muqdisho ka hirgeliyay(Sawirro)

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 132 views

15,March,2017(SofoNews) C/qaadir Sheekh Cali Diini wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa kormeer ku tagey xarun looogu talagalay in tababarada ay ku qaataan ciidamada xoga dalka Soomaaliyeed taasi oo hirgelisay dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya.
Xarunta cusub ayaa ka duwan xarumihii hore ayadoo loo dhisay in lagu tababaro ama laga soo saaro saraakiil qaab casri ah loo tababarayo, islamarkaana tababarada ay bixindoonaan Turkiga sarakiil ciidan oo ka socota.
Markii uu halkaasi tagay waxaa uu warbixin ka dhageystay sarakiiha Turkiga iyo kuwa militariga Soomaaliya oo halkaasi ku sugan wuxuuna wax ka weydiyay dhameystirka xaruntan iyo waqtiga ay bilaambidoonto.
Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha xaruntani.
Wasiir Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay dhismaha Xaruntani ay door weyn ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo Dawlad burburkii aan helin goob kamid ah dalka ay ku tababartaan.

IMG_7055 IMG_7065 IMG_7076 IMG_7085 IMG_7085-640x427 IMG_7090 (1) IMG_7090 IMG_7128 IMG_7137

Like it? Share it!

Leave A Response