Tirinta codadka kuxigeenka 1aad ee aqalka sare oo soo cidlaatay iyo wareegii 2aad oo loo gudbayo

by Hassan Ali | Sunday, Jan 22, 2017 | 131 views

22,January,2017(SofoNews) Warara goor dhow aanu ka heleyno howlka doorashada aqalka sare ayaa sheegaya in ay soo dhamaatay tirinta codadka ay kala heleen Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Kursigan oo ah tan ugu adag ayaa waxaa ku tartamayay ilaa 7-Musharax, waxaana wareega koobaad ku haray sadex Musharax kuwaa oo helay cadadka ugu yar, waxaana wareega labaad u gudbaya Afarta Musharax ee ugu codadka badan.

Ilaa iyo haatan  Codadka la tiriyay Musharax ABshir Bukhaari oo helay 17-cod waxaana kusoo xiga Musharaxa kale Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo isna helay codad gaaraya 14-cod.

Waxaa lagu wadaa dhawaan in labada aqal ee baarlamanaka Soomaaliya ay si wada jir ah u doortaan madaxweynaha  Soomaaliya 4 sano ee soo socota

Like it? Share it!

Leave A Response