Tiradii ugu badnayd oo barakacyaal ah oo Muqdisho soo gaaray(Sawirro)

by Hassan Ali | Thursday, Mar 16, 2017 | 88 views

16,March,2017(SofoNews) Gobolada dalka Soomaaliya waxa ka jira abaara sameeyay dadka iyo duunyada iyada oo dadkuna ay intooda badan maalinba maalinka ka dambeysa ay ka soo barakacayaan deeganadooda iyaga oo imaanaya magaalooyinka.
Gobolka Banaadir ayaa ka mid ah meelaha ay soo gaarayaan dadka abaaraha ka soo barakacay gaar ahaa dagmadda Kaxda.
Gudoomiyah dagmadda Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay inay ilaa hada dadka ay abaaraha ka soo barakacay ay ee soo gaaray xerooyin loogu talagalay oo dagmadaasi kaga hergaliyay ay ku dhowyihiin ilaa 7,000 oo qoys.
“Abaarta ka jirta gobolada dalka waa mid aad u xanuun badan dagmada kaxda dadka soo gaaray markii hore tirsigoodii u dambeyay qoysaskaa asbuucyo ka hor waxa ay ahaa 5,000 in ka badan hadane waxa ay ku dhowyihiin ilaa 7,000 barakacayaasha abaaraha ka imaanaya waa kuwa xowli ku socdo ayuu yiri Gudoomiye Kaxda.
Gudoomiye Maxamed Ismaaciil ayaa intaa ku daray in dadka abaaraha ka soo barakacay ay heystaan dhibaatooyin nololeed oo aad u daran waxaana uu sheegay in iyaga oo kaashanaya maamulka gobolka Banaadir ay sameeyeen meela cunta loogu kariyo.
“Waxaan sameynay meelo dadka soo barakacay cunto loogu kariyo oo aan ka hirgalinay dagmadda Kaxda innaga oo kaashanayna maamulka gobolka Banaadir, waxaan kale oo aan qaarkood u qeybinay raashiin dadaalada maamulka gobolka uu wado waa mid aad u sareeya waxaana loo baahan yahay in gurmadka la kordhiyo’’
Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka socda dadaalo loogu gurmanayo dadka abaaraha ka soo barakacay waxaa wada maamulka gobolka Banaadir, maamulada dagmooyinka iyo qeybaha bulshadda haba u badnaadaane ardayda waxka barata jamaacadaha iyo iskuulada iyo culimada

Like it? Share it!

Leave A Response