Taliyaha cusub ee booliska oo magacaabay taliyaal cusub

by Hassan Ali | Friday, Apr 14, 2017 | 172 views

14,April,2017(SofoNews) Wareegto ka soo baxday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa isbedel loogu sameeyeey qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Booliska si loo dardargeliyo howlaha amanka lagu sugayo.

Waxaa xilkii laga qaaday taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ka dib wareegto ka soo baxday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed en. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid). Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Jen. Axmed Xasan Maalin oo xilkan horey u soo qabtay taasina waa qeyb kamid ah qorshaha la doonayo in isbedel loogu sameeyo dhamaan hogaanada ciidanka booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale Jen. Maxamed Cumar Madaale oo horay isna u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, balse muddooyinkii u dambeeyay howlgab ahaa ayaa loo magacaabay madaxa Hoggaanka Howlaha ciidanka Booliska Soomaaliyed. Taliyeyaasha la isku bedelayo ayaa qeyb ka ah howlaha la doonayo in lagu xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho, dhawaan ayeyna aheyd markii madaxweynaha Somalia uu bedel ku sameeyey dhamaan taliyeyaashii ugu sareeyey ciidamada.

Talaabadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii taliyaha cusub ee ciidanka booliska loo soo magacabaay markale C/xakiin Daahir Siciid(Saacid)

 

Like it? Share it!

Leave A Response