Taliyaha booliska Soomaaliya oo dalka Qadar taageero ugu raadinya booliska

by Hassan Ali | Sunday, Oct 30, 2016 | 136 views

30,Oct,2016(SofoNews) S/gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga Magaalada Doha ee Dalka Qadar ayaa la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Wadankaasi.

Taliyaha oo ujeedada safarkiisu ahaa sidii loo soo xoojin lahaa xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Labada Dal Somaaliya iyo Qadar, isagoo halkaasi kulamo la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Wadan Qadar.

Taliyaha ayaa Saraakiisha uu la kulmay kala hadlay sidii gacan ballaaran loo siin lahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta labada dhinac ay isku afgarteen sidii loo sii xoojin lahaa dowrka dowladda Qadar ay ka qaadanayso taageeridda ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa soconayay dadaalo ku aadan sidii dib u dhis iyo tayeyn loogu sameyn lahaa ciidanka booliska Soomalaiyeed maadaama dalka uu bur bursanaa muddo ka badan 20 sano.

 

Like it? Share it!