Taliska ciidanka xooga dalka oo u hanjabay askartii gadoodka sameysay

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 127 views

15,March,2017(SofoNews) Sareeya Gaas Max’ed Aadan Axmed taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa siweyn uga hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday Muqdisho oo ahayd gadoodkii ay sameeyeen ciidamo katirsan militariga Soomaaliya.
Taliyaha oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in gadoodka ay sameeyeen tiro yar oo ka mid ah ciidamada, isagoo ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan, sharcigana la hor-keenayo.
Taliye Max’ed Aadan ayaasheegey in ay ogyihiin ciidankii falkaasi ku dhaqaaqay isagoo ku hanjabay in talaabo laga qaadidoono.
Jen. Buud ayaa sheegay in qaladkan aysan geysan dhamaan ciidamada, balse ay ahaayeen koox tiro yar, waxaana uu ugu baaqay ciidamada in aysan shacabka dhibaato u geysan, isla markaana aysan ciidamada u soo jiidin karaamo darro.
Taliyaha ayaa soo hadal qaadin cabashada ciidamada ee la xiriira mushaar la’aanta mudada heysata, sidoo kale kama jawaabin eedeynta loo soo jeediyay ee ku aadan in mushaaraadkooda uu u wareejiyay deegaanada Puntland.
Qaar kamid ah ciidamada militariga Soomaaliya ayaa ku eedeynayaa taliska ciidanka xooga dalka in uu duufsaday xuquuqdii ay ku lahaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response