Tafaasiil ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay Muqdisho

by Hassan Ali | Wednesday, Dec 21, 2016 | 228 views

21,December,2016(SofoNews) Habeenimadii xalay ayaa Kooxo hubeesan Xaafada Mac macaanka ee Degmada Dharkeenley ee magalaad Muqdisho  ku dilay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka ganacsan jiray iibinta kabaha.

Warar aanu ka heleyno Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Kooxo bistoolado ku hubeesan ay toogteen ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Sabriye , waxaana dilka kadib baxsaday kooxihii dilka fuliyay lamina garanayo sababta.

Howlgalo ay wadaan Ciidamada amaanka ayaa ka soconaya halkaasi ayadoo goor dambe la sheegey in la qabtay kooxihii falkaasi ka dambeeyey.

Dadka deegaanka oo aad u yaqaanay Marxuunka la dilay ayaa aad uga naxay dilkaasi, walina lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geestay Maxamuud iyo waliba cida ka dambeysay dilkaasi.

Inta badan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geeyo dadka shacabka ah iyo sidoo kale dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya, kooxaha dilalkaasi fuliya ayaana inta badan baxsada.

Like it? Share it!