Tafaasiil dheeraad ah oo ka soo baxaysa dhaq dhaqaaq ciidan oo ku wajahanaa Xaradheere

by Hassan Ali | Friday, Feb 17, 2017 | 101 views

17,February,2017(SofoNews)Ilo Wareedyoay heleyso SomaliaFocus  ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira kumaandooska xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo ciidamo caddaan ah oo maalmahan guluf dagaal ka waday Koofurta Mudug ay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duulaan tageen.
Macadda ila aiyo hataan sababta ka dambeysa waxaana intii ay ku guda jireen howlgalkooda uu dagaal dhexmaray ayago iyo Alshabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan oo maalmo ka hor dagaalo kula galay Al-Shabaab duleedka deegaanka Camaara ay haatan ku laabteen magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Muddug.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qeyb ka ahaayeen kuwa Puntland, waxaana taageerayay diyaarado dagaal oo dul heehaabayay deegaanada Camaara iyo Ceel cabdi.
Guddoomiyaha deegaanka Camaara ayaa Yuusuf salaad Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadan ay u dhaqaaqeen dhanka Gaalkacyo iyo Hobyo, isagoo xusay inay ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response