Tababaraha Kooxda Chelsea Jose Mourinho oo laga Cayriyay Kooxda

by admin | Thursday, Dec 17, 2015 | 660 views

War  hada soo dhacay ayaa sheegaya in shaqadii Laga Cayriyey Macalinka Chelsea Jose Mourinho Kadib markii milkiilaha Naadigaas uu ku dhawaaqay arintaas, waxaana Macalinkaan Laga Cayriyey shaqada kadib markii ay ku dhacday sagaal Guuladaro Xiligaan.

 

Waxaa beryahaan oo dhan Saarnaa Macalinkaan Cadaadis aad uga imaanayay Maamulka Kooxda.

 

Kadib Markii shaqada laga Cayriyey Macalinkii Naadiga Chelsea Jose Mourinho ayaa waxaa caalamka oo dhan dadka Xiiseeya Cayaaraha iyo Cayaartoy horeba ay kaga soo hadleen Fikirkooda sida ay u arkaan in shaqada Laga Cayriyo Macalinkaan oo Guulo waa weyn Gaarsiiyey Naadigaan.

 

Weeraryahankii hore ee Xulka qaranka England Alan Shearer ayaa sheegay in ay ahayd in marhoreba shaqada laga Cayriyo Macallinkaan oo aan lasugin inta laga badinayo sagaal Kulan isaga oo ku taliyey in Kooxda Chelsea Macalin looga dhigo Frank Lampard oo horay uga ciyaari isla kooxdaan Chelsea.

Like it? Share it!