Suuqyada iyo waddooyinka Muqdisho oo dib u furmay

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 22, 2017 | 129 views

22,February,2017(SofoNews) Kadib caleema saarkii madaxweynaha Soomaaliya ayaa Waxaa la furay dhamaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiraan muddo ku dhow 24 sacadood sababo laxiriira Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Dadweyne aad u farabadan oo faraxsan iyo gaadiidka ayaa la arkayaay ayagoo mar qura mashquul ka dhigay waddooyinka magaalada taasi ku dareensiinaysa in dadku ay u oomanaayeen in mar qura ay xoriyadda socodka ah ay helaan.
Sidoo kale waxaa Dalka ka dhoofay inta badan Madaxdii Maanta Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka Caleemasaarka Madaxweyne farmaajo,waxaana ay u dhoofeen si nabad gelyo ah.
124 Wadan Mas’uuliyiin ka socota oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Jabuuti,Madaxweynaha Kenya,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka mid ahaa Madaxdii Maanta ka qeyb galay Caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa siweyn u adkeeyeey amniga mana jirin wax amni daro ah tan iyo markii munaasabaddu ay bilaabatay.
Suuqyada magaalaad Muqdisho ayaa dib u furmaya inkastoo badi aanay furnayn maadaama xili dambe ay tahay dhaq dhaqaaq ganacsina uu yahay mid ka yer kii hore.

Like it? Share it!

Leave A Response