Suldaan Caan ahaa oo kismaayo ku geeriyooday iyo meydkiisa oo la aasay

by Hassan Ali | Saturday, Apr 1, 2017 | 73 views

1,April,2017(SofoNews) Masuuliyiin iyo qeybaha bulshada magalada kismaayo ayaa maantya ka qeebgalay aas loo sameeyay allaha u naxriistee nabadoon xasan siraad afdhuub oo xalay ku geeriyooday midkamid ah cisbitaalada magaalada kismaayo kaasoo maanta lagu aasay xabaalaha baarcaleen ee duleedka mgalada kismaayo.
Golaha wasiirada jubbakland xildhibaano ganacsato iyo dhamaan qeybaha bulshada magalada kismaayo ayaa meel fakgaare ah kula dukaday meedka allaha u naxriistee nabadoon xasan siraad afdhuub.
Nabadoon xasan siraad ayaa lagu yaqaanay nabadeenta beelaha jubaland iyo badbaadinta iyo caawinta dadka soomaaliyeed magalada kismaayo waxana uu isku xer u ahaa bulshada maamulka isagoona u geeriyooday mxalay xanuun maalmahan hayay.
Intii uu noolaa ayuu Suldaan Xasan Siraad Afdhuub wuxuu la dardaarmi jiray bulshada isagoo ku boorianay ain laga wada qeybgalo horumarinta iyo nabadeynta bulshada.
Masuuliyiinta dowlad goboleedka jubbaland ayaa dadkii tacsida adiray waxaa kamid ah afhayeen dowlad goboleedka jubbaland Cabdinaasir Seerar Maax ,afhayeen laamaha amaanka Axmed Carab wasiiro maamul dagmada iyo odayaasha jubbaland waxaana hadadalooda kamkid ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response