Sugidda amaanka madaxweyne Farmaajo oo isbedelo lagu sameynayo

by Hassan Ali | Friday, Mar 3, 2017 | 86 views

3,March,2017(SofoNews) Ilo wareedyo ayaa sheegaya in si KMG ah ammaanka Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo ay ula wareegeen Ciidamada Gaashaan, kuwaasoo horay u sugayay ammaankiisa markii uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa mar kale la wareegay ammaanka Madaxtooyada, gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha iyo labada guri uu degan yahay, iyadoo saddexdaas qeyb dibada looga saaray Ciidamadii Milateriga ahaa ee loo yaqaano Koofiyo-gaduud.
Inkastoo aan la xaqiijin karin ayaa hadana wararka qaar waxay sheegayaan in uu jiro dadaal iyo qorshe ku aadan in lakala diro ciidankii ilaalinayaya madaxtooyada islamarkaana ay Gaashaan la wareegi doonaan amaanka madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa ah ciidamo fuliya howl galada gaarka ah, iyo marka kooxo hubeysan ay weeraraan xarumaha dowladda iyo hotelada ku yaal Muqdisho, waxaana saldhigoodu yahay Garoonka diyaaradaha Muqdisho lamana oga waxyaabaha haatan ku soo beegey arintani.
Ammaanka Madaxtooyada ayaa waxaa suga Ciidamo Milateri ah, gaar ahaan Guutada Koofiyo-gaduud loo yaqaano, lamana saadaalinkaro sida ay wax noqon doonaan balse waxa alaga dhursugaya isbedelada ka imaan kara ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response