Soomaaliya oo soo dhaweysay soo afjarista baaritaankii shirkadda Some Oil

by Hassan Ali | Monday, Dec 19, 2016 | 227 views

19,December,2016(SofoNews) Wasaaradda Batroolka & Macdanta waxay soo dhaweynaysaa go’aankii Xafiiska Musuq Maasuqa Daran ee Boqortooyada Ingiriiska uu ku soo afjaray baaristii Soma Oil & Gas Exploration Limited (SOMA).

SOMA ayaa lagu eedeeyay in lacag laaluush siisay Masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda Batroolka & Macdanta, taasoo noqotay mid dad badan soo jiidata dareenkooda, balse baaristii ayaa ku soo gabagaboobday inayan jirin wax caddeyn ah oo sheegaya in laaluush la kala qaatay.

Go’aankaan ayaa la mid ah go’aankii ay soo saareen sanadkii hore (2015) guddi madaxa banaan ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddigaan madaxa banaan ayaan wax cadeyn ah u helin waqtigaas in heshiiska tayaynta shaqalaha ee u dhaxeeyay Wasaaradda Batroolka iyo shirkadda Soma Oil uu ahaa mid wax kala bedelasho ah ama laaluush lagu kala qaatay.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay hadda bilaabaysaa horumarinta ka faa’idaysiga shidaalka, waxaa ka go’an inay sameyso siyaasad cad, hay’ado karti leh iyo kaabayaal sahli kara ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga. “Waxaan ognahay inaan la horumarin karin arimaha shidaalka haddii aanay jirin siyaasad iyo qorshooyin cad oo wax looga qabanaya musuq maasuqa”, ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Warka ayaa lagu caddeeyay in Baaritaanada noocan ahi ay ka caawinayaa in si hufan loo shaqeeyo, islmarkaana sii hagaajiyo qaab shaqeedka si aqayb looga noqono horumarinta dhaqaalaha dalka,weyna soo dhaweeyeen go’aankaasi.

 

Like it? Share it!