Soomaaliya oo 26 sano kadib ka qeyb gashay Shir caalami ah oo Turkey ka furmay

by Hassan Ali | Friday, Feb 17, 2017 | 164 views

17,February,2017(SofoNews) Shirkani caalamiga ah oo looga hadlayay horumarinta iyo iskaashiga dhinaca Dalxiiska ayaa lagu qabtay magaalaad Ankaro eee xarunta dalka Turkiga dalka Turkiga.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen ilaa Laba Boqol oo dowladood oo uu ka mid ahaa wafdi ka socday dowladda Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiiska Maxamuud Cabdi Xasan (Pekoos) ayaa Somaaliya uga qeybgalay shirkaasi, isago tilmaamay in shirkani uu ahmiyad weyn u leeyahay Soomaaliya, kaaso soo celinaya saaxaddii iyo maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd dunida iyo dalxiiska caalamiga ah.
Waa markii ugu horreeysay 26 sano kaddib ay Soomaaliya ka qeybgasho shir ceykan ah taasi oo muujinaysa in dalka Soomaaliya uu ku talaabsanyo horumar balaaran.

1-8-640x360 2-7 3-7 4-7

Like it? Share it!