Soomaaliya: Askari dil toogasho ah lagu xukumay

by admin | Wednesday, Oct 26, 2016 | 145 views

26 Oct 2016 (SofoNews) – Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Qeybteeda 60aad ayaa Maanta Xukun Dil ah kuriday Askari katirsan Ciidanka Policeka Gaarka ee KG kaas oo Hada kahor Nin Shacab ah kudilay Degmada Buur hakaba ee G/baay.

Askariga laxukumay oo lagumagacaabo Ibraahim C/laahi Aadan (GUUMAW) ayaa waxaa taariikhdu markay ahayd 24/04/2016 kudilay Degmada Buur hakaba ee G/baay Marxuum lagu magacaabijiray Nuur Mukhtaar Xuseen, dhaawacna ugeystay ninkale oo kamid ahaa Shacabka Degmadaasi Waxaana Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Maanta Askarigasi ay kuriday Xukun Dil ah .

Xukunka Maxakamadda waxaa ku dhawaaqey Gudoomiyaha maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee Qeybta 60aad Soomaaliya Sheekh Aadan Abuukar Maxamed.

Like it? Share it!

Leave A Response