Soomaaliland oo mamnuucday in la qabto shir ka dhan ah heshiiskii dekeddaBerbera

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 91 views

14,March,2017(Sofonews) Tan iyo markii baarlamanka Soomaaliland uu ansixiyay heshiiska dekedda Berbere ee lala galay Imaraardka ayaa waxaa soo ifbaxayay buuq badan oo arrintaasi ka dhashey.
Maamulka Somaliland ayaa soo saaray Amar cusub oo ku aadan in aan Hoteelada Magaalada Hargeysa lagu qaban karin Shirar looga soo horjeedo Saldhiga dowladda Imaraadka ay ka furanayso Magaalada Berbera.
Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ku saxiixnaa Warqadda kasoo baxday Somaliland ayaa sheegay in Cidii Martigelisa Shir looga soo horjeedo Maalgashiga in ay ka qaadi doonaan tilaabo.

110

 

Like it? Share it!