Soomaalida kunool Finland oo dhaqaale u uruurinaya dadka ay abaaruhu saameeyeen

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 90 views

14,March,2017(SofoNews) Munaasabad lacago loogu uruurinayay islamarkaana lagu taageerayay dowlad cusub ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Helsinki ee Dalka finland.
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaaliyada soomaaliyeed ee reer finland ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda ururada ka howlgala dalkan, culuma,udiin, haween,dhaliyaro iyo madaxkasocotay wasaarada caafimaadka finland.
Xafladan ayaa intii ay socotay waxaa lacago loogu uruuriyay walalaha soomaaliyeed eee ay abaaraha kuhayaan qeybo kamid ah gobolada dalkeena iyadoo ay xubnihii kahadlay ay ka codsadeen madaxda dowlada cusub in ay garab istaagaaan dadka ay baaaruhu saameeyeen.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay baaqyo isdaba joog ah oo ku aadan ka qeyb qaadashada gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu heyso usoo dirayay Soomaalida ku nool dalalka Dibadda
waxaana Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Qurbaha ay wadaa dadaallo iyo Olole ay uga qeyb qaadanayaan Gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha ku saameeyeen Soomaaliya.
Gudaha iyo dibadda dalka ayaa waxaa ka soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen kuwaasi haatan xaaladoodi ay tahay mid aad u liidata.

Like it? Share it!