Somaliland oo xabsigay dhigtay agaasimaha Star TV

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 21, 2017 | 101 views

21,February,2017(SofoNews) Ilo wareedyo SomaliaFocus ay ka heleyso magaalada Harggeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya Ciidamada maamulkaasi ay Xalay Xabsiga dhigeen Agaasimaha Guud ee TV-ga Star Maxamed Baashe Xasan.
Macadda ilaa iyo haatan sababta balse Waxaa ay Somaliland ku Eedeysay Agaasime Maxamed Baashe inuu Abaabulay Kulan looga soo horjeedo Heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ay wada galeen ee dhigayay in Imaaraadka uu Saldhig Milatari ka sameysto Dekedda Magaalada Berbera.
Talaabadan lagu xiray agasimaha Star TV ayaa imanaysa ayadoo Somaliland uu Maalintii 7-aad u Xiranyahay Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ay ku sheegeen Mas’uuliyiinta Somaliland in uusan aheyn Wariye,balse uu yahay Xag jir.
Sidoo kale waxaa la sheegay in xabsiyada Somaliland ay ku jiraan Wariyaal iyo Abwaano,iyadoo inta badan dadka ku hadla Afka Soomaaliga ay Somaliland ka Codsadeen in Deg deg loo siidaayo Dadka u xiran oo ah kuwo aan dambi gelin.
Kulan looga dalbadanayay maamulka Somaliland in uu xoriyaddoda sii yo wariyaasha u xiran ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Like it? Share it!

Leave A Response