Somaliland oo ka jawaab celisay hadalkii ka so yeerey dowladda Soomaaliya

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 15, 2017 | 113 views

15,February,2017(Sofonews) Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ee ku saabsanaa heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ahaa saldhiga Milateri ee Imaaraadka ka dhisanayaan magaalada Berbera inuu ahaa heshiis sharci darro ah oo xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.
Sida lagu sheegey War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, maamulkaasi ayaa sheegey in aysan aqbalaynain wax faragelin ah oo lagu sameynayo arrimohooda.
Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay colaad ka hurineyso deegaanadeeda, isla markaana ay qalad tahay inay soo fara geliso heshiiska

Hanti dhowkra guud ee Qaranka ayaa ku tilmaamay heshiiska Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta ee loogu ogolaaday inay saldhig milateri ka furtaan Berbera uu ahaa mid aan sharci aheyn oo xadgudub ah.
Lama oga halka ay arrimahani u biyo shuban doonaan ayadoo siweyn loo hadal hayo heshiiskaasi oo la sheegey in shaqsiyaad gaar ah oo katirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ay wada ogaayeen

Like it? Share it!

Leave A Response