Siyaasiin kaladuwan oo baaq u jeediayay raiisul wasaaraha Soomaaliya

by Hassan Ali | Sunday, Mar 26, 2017 | 115 views

26,March,2017(SofoNews) Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ku soo kordhay shirar gaar gaar ah oo ay siugu imaanayaan siyaasiinta saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya kuwaasi oo siweyn u falanqeynaya qaab dhismeedka goalha wasiirada xukuumadda cusub.
Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada ayaa soo jeediyay talooyin iyo baaq ku aadan magacaabistii Golaha Wasiirada, iyagoo sheegay in Xukuumadda la soo magacaabay ay u arkaan in aysan aheyn tii shacabka sugayay, kana hooseysa himiladii iyo hankii shacabka.
War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen Isbaheysiga ayaa lagu sheegay in soo xulista Golaha Wasiirada ay ka muuqato nin jecleysi iyo qaraabo kiil, taasoo ay xuseen inay ka mid aheyd sababihii dumiyay dowladdii Dhexe.
Siyaasiintani ayaa waxay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in dib u eegis lagu sameeyo Golaha Wasiirada si looga gudbo xeyndaabka baarlamanka Soomaaliya.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa xili guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya uu u gudbiyay raiisul wasaraah talo soo jeedin siyaasadeed oo katimid xildhibaanada qaarkood taasi oo ku aadan qaab dhismeedka xukuumadda cusub.

Like it? Share it!

Leave A Response