Siyaasadda dalka Gambia oo is bedeshey

by Hassan Ali | Saturday, Jan 21, 2017 | 151 views

21,January,2017(SofoNews) Waxaa isbedel uu ku yimid mowqifkii siyaasadeed ee madaxweynaha looga guuleestay Doorashadii ka dhacday dalka Gambia Yaxye Jammeh wuxuuna  sheegey  in uu wax ka badalay go;aankiisii hore , isalamarkaana ogolaaday in uu ka dego ka degitaanka xilka madaxweynaha dalkaasi kuna wareejiyo Madaxweynaha la doortay Adama Barrow kaasi oo lagu dhaariyaay dalka Senigal.

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Gambia Yaxye Jammeh oo xalay Telefishinka qaranka dalkaasi shacabka khudbad uga jeediyay ayaa xusay in uu aqbalay in uu xilka isaga dago si uu uga hortago in dhiiga shacabkiisa dhibic kamid ah uu si fudud ku daato sababna uu u noqdo .

Yaxye Jammeh oo talada dalka Gambia hayay mudo 22-sano ah ayaa diidanaa in uu xilka ka dego kadib markii looga adkaaday doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday.

Wadamada dhaca GAlbeedka Africa ayaa Cadaadis xoogan saaray Yaxye Jaameh taasi oo keentay in uuu xilka ka dego kadib markii ciidamo military oo isku dhaf ah ay soo buux dhaafiyeen xudduuda dalkaasi uu la wadaago wadanka Senigal iyo dalal kale.
Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow oo hada ku sugan dalka Senegal ayaa la filayaa in uu ku laabto dalkiisa uu na xilka si rasmi ah ula wareego, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu is badalo ka dhaco dalka Gambia.

Like it? Share it!