Shirkii ugu horeeyey ee golaha wasiirada oo MUqdisho ka socda

by Hassan Ali | Thursday, Mar 30, 2017 | 83 views

30,March,2017(SofoNews) Maalin kadib amrkii golaha shacabka uu codka kalsoonida uu siiyaay xukuumadda cusub ayaa waxaa maanta magaalaad Muqdisho markii ugu horeysay ku shiraya golaha wasiiradda xukuumadda cusub.
Raiisul wasaraah Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiayay kulanka maanta ayadoo kulankaasi diiradda lagu saarayo arrimo ay kamid yihiin abaaraha, iyo guud ahaan amaanka dalka.
Xasan Cali Kheyre, raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kulankan deg deg ah shalay iclaamiyay xili uu baarlamanka ka dalbanayay in la ansixiyo xukuumaddiisa.
Waxaa uu sheegay in la gaaray waqtigii la soo afjari lahaa falalka argagaxa iyo amni darada, isagoo xusay inay abaabuli doonana bulshada si la isaga kaashado arrimaha ammaanka.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa looga bartay inuu dhaco maalmaha khamiista, iyadoo Xukuumaddihii hore maalinta Khamiista shir isugu imaan jireen.
Waxaa looga fadhiyaa isbedelo kaladuwan ayadoo xaaladaha amaanka iyo abaaraha ay yihiin talaabooyinka ugu horeeya ee u baahan wax ka qabad

Like it? Share it!

Leave A Response