Shirkii Looga hadlayaya arrimaha Soomaaliya oo ka socoda LOndon

by Hassan Ali | Thursday, May 11, 2017 | 126 views

Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa ka soconaya  magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay ka qeybgalayaan beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

Waxaa na shirkan goob joog ka ah  Madaxda Soomaaliya, Madax kasocota Bariga Afrika iyo Madax kale oo caalamka ka socota oo lagu casuumay shirka.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa arimo muhiim ah ay kamid yihiin Nabad galyada Soomaaliya, Arimaha Siyaasada, Dhaqaalaha, Arimaha Bini’aadanimada iyo arimo kale oo aad muhiim ugu ah Dowlada Soomaaliya.

Waxaa halkaasi khudbado ka jeediyay madax kalduwan kuwaasi oo siweyn uga hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo in dowladda la siyo fursad ay ku horumarin karto dalka.

Waxaa lafilaya ain dhawaan uu so geba geboobo shirka

Like it? Share it!