Shirkii jamaacadda Carabta oo ka furmaya Jordan iyo Farmaajo oo gaaray dalkaasi

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 171 views

29,March,2017(SofoNews) Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Camaan masuuliyiin katirsan Dowlada Jordan, waxaana Madaxweynaha loo garaacay Muusikada ay tumaan kooxda Bambeeda ayadoo uu lakulmi doono mas’uuliyiin kaladuwan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona Shir Madaxeedka Jaamacada Carabta ee manata furmaya kaa oo looga hadli doono arimo kala duwan, waxaana waxyaabaha looga hadli doono shirkaasi qeyb ka noqon doonta arimaha Soomaaliya gaar ahaan arimaha abaaraha.
Shirkaasi ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgalidoona madax ka socota wadamada ku bohoobay jaamacadda Carabta kuwaasi oo lafilayo in qaarkood kulamo gaar gaar ah ay ku marti geliyaan wefdiga madaxweynaha Soomaaliya.
Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu dalka Jordan kula kulmo Boqoro iyo Madaxweynayaal ka socda Wadamada Carbata uuna kala hadlo xoojinta xariirka Dowlada Soomaaliya la leeyihiin dowladahaasi iyo sidii gacan loo siin lahaa Dowlada cusub uu Hogaamiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response