Shirkii Jaamacadda Carabta oo furmay iyo Farmaajo oo khudbad jeediyay

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 125 views

29,March,2017(SofoNews) Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ay ka mid yihiin Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi iyo hoggaamiyeyaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ah xaalada bariga dhexe, sida arrimaha Falastiin, Suuriya iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada oo dhamaan dalalka Bariga Dhexe ay caqabado kala kulmaan.
Boqorka Jordan Boqor Cabdalla-ha Labaad oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay in aysan nabad ka dhalan doonin bariga dhexe inta laga dhisayo dowlad Falastiniyiintu leeyihiin, taasoo loo marayo xalka labada wadan ee Israa’iill iyo Falastiin, taasi oo sal u noqon doonta heshiis nabadeed oo dhex mara carabta iyo israa’iil
Waxaa uu ku eedeeyay Israa’iil inay wali wado dhismayaasha sharci darada iyo deegaameynta dhulka ay xoogga ku heysato ee reer Falastiin, waxaana uu tilmaamay in sii socoshada dhismayaasha ay ka wado daanta Galbeed ay caqabad ku noqoneyso nabada iyo xasiloonida Gobolka.
Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa la filayaa inay qaraar wada jir ah ka qaataan isku Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku taageerayo in magaalada barakeysan ee Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona shir madaxeedka Carabta, isagoo weydiisan doona wadamada carabta, inay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya.
Inta uu joogo dalkaasi Jordan Max’ed C/laahi Farmaajo waxaa uu kulamo kaladuwan la yeelan doonaan hogaamiyaasha jaamacadda Carabta oo uu kala hadlayo arrimaha Soomaaliya.

arab-lig1 arab-lig2 arab-lig5 arab-lig-6

Like it? Share it!

Leave A Response