Shirkii IGAD oo Nairobi ka dhacay iyo Farmaajo oo madax kaladuwan lakulmay

by Hassan Ali | Saturday, Mar 25, 2017 | 208 views

25,March,2017(Sofonews) Ayadoo magalaad Nairobi ee dalka Kenya uu ka dhacay shirkii wadamada IGAD ayaa waxaa barbar socday kulamo gaar gaar ah oo madaxweynaha Soomaaliya uu la yeeshey madax kaladuwan, shirka IGad waxaa looga hadlaya arrimaha abaaraha Soomaaliya iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa wadanka Ugandha Yuweri Musaveni.
Labada hogaamiye ayaa ka qeybgalaya shir madaxeed gaar ah oo madaxda urur goboleedka IGAD ku leeyihiin magaalada Nairobi kaasoo looga hadlayo arrimaha abaaraha ka taagan geeska Afrika iyo Qaxootiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isna uga mahad celiyey Musaveni taladii wanaagsaneyd ee uu isku casilay xiligii uu raisul wasaaraha ahaa, wuxuuna xusay in iyadoo la eegayo danaha dalka loo baahan yahay in talaabooyinka noocaas ah la qaado, isagoo balan qaaday inuu qaadan doono talooyinka uu u soo jeediyey.
Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee ka tirsan howlgalka midowga Africa ee AMISOM, kuwaasoo taageeraya dowlada Somalia, dagaalna kula jira xoogaga mka horjeeda ee Al-Shabaab.

Like it? Share it!