Shir ku saabsan amniga oo ka dhacay Garoowe

by Hassan Ali | Tuesday, Apr 4, 2017 | 67 views

4,April,2017(SofoNews) Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah kana dhacay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ahaana mid diirada lagu saarayay xaalada ammaan ee Guud ahaanba deegaanda Puntland ayaa lagu qabtay magaalaad Garoowe.
Intii kulankaasi uu socday ayaa waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa kamid ah amaanka magaalada GAroowe ee xarunta maamulka Puntland ayadoo bilihii la soo dhaafay deegaanada Puntland ay ka dheceen falal amni darro ah.
Waxa ka qeybgalay kulankaasi saraakiisha laamaha amaanka Puntland, iyo mas’uuliyiin katirsan dowlada goboleedka PUntland.
Kulankan markii uu soo dhamaaday waxaa ka soo baxay amaro deg deg ah oo ku saabsan xaaladda ammaan ee magaalada Garoowe, iyadoona la amray in ay ciidamadu howlgalo xasaasi ah bilaabaan 7-da bishan, isla markaasna waxaa gabi ahaanba la mamnuucay qaadashada Hubka noocyadiisa kala duwan sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar C/laahi Farwayne oo warbaahinta u akhriyay warsaxafadeed ka soo baxay lamaha ammaanka Puntland .
Arintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo todobaadadii ugu danbeeyay bulshada Garoowe si wayn u hadal hayeen kooxo Tuugo ah oo habeenkii Bulshada ku baarta xaafadah magaalada taasi oo keentay kulan ammaan.

Like it? Share it!

Leave A Response