Shiinaha oo Saldhig Military ka Furanaya Djibouti

by admin | Wednesday, Jul 12, 2017 | 61 views

12 July 2017 (SofoNews) – Maraakiib dagaal oo ay la socodaan saraakiil ciidan ayaa u dhaqaaqay dhanka Djibouti si ay si rasmi ah saldhig ugu yeeshaan halkaasi, waana markii ugu horeysay Shiinaha qaado tillaabo nuucaan ah.

Xukuumadda Beijing ayaa saldhigii ciidan ee ugu horeeyay oo casri ah oo ay yeelato ka furanaysa Djibouti halkaasi oo dowlado kale oo xooggan sida mareykanka ay ku leeyihiin xarumo.

Shiinaha ayaa doonaya in uu ballaariyo awoodiisa dibadda, waxaana lagu soo waramayaa in saldhigooda uu noqon doono dhinaca waqooyi-galbeed ee Djibouti iyaga oo kaabiga ku haya bad weynta India.

Shiinaha ayaa sanadkii hore bilaabay dhismaha xaruntan ciidan taasi oo marka la fiiriyo meesha ay ku taalo dhanka kale fududeynkarta shixnado gar gaar ah oo la gaarsiiyo Soomaaliya, Yemen iyo dalal kale oo Africa ku yaalla.

Kani ayaa noqonaya saldhigga ugu horeeya ee Shiinaha uu ku yeesha dibadda.

Dhismaha saldhiggan cusub ayaa ah mid ay isku raaceen dowladaha Shiinaha iyo Djibouti sida war saxaafadeed ay daabacday wakaaladda Shiinaha lagu sheegay.

Like it? Share it!

Leave A Response