Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay siyaasadda dowladda

by Hassan Ali | Sunday, Jan 1, 2017 | 174 views

1,1,2017(SofoNews) Musharaxa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii la,soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho,Markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha waxaa loo galbiyay hoyga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho halkaasi oo uu warbaahinta kula hadlay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed  ayaa warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho waxaana  uu dhaliilay dib u dhacyada faraha badan ee doorashada ku yimid.

Wuxuu dhaliilo badan u jeediyay dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo u badnaa dib u dhacyada doorashooyinka ku yimid. Sidoo kale Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu dhaliilay ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabada doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaaniga ah ayadoo haatan la dhisay guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamanka.

Waxaa jirta musharixiin dhowr ah oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha inkastoo aan la sadaalin Karin qofka ku guuleysandoona, balse waxaa ugu xoog badan Xasan Sheekh, Sheekh Shariif SHeekh Axmed,Cumar C/rashiid iyo xubno kale

 

Like it? Share it!

Leave A Response