Sheekh Shariif oo musharixiin kale oo is baheysi wada

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 4, 2017 | 153 views

4,January,2017(SofoNews) Kulanka  oo u dhexeyeey  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,  oo haatan ah musharax u tagaan xilka madaxweyne, C/qaadir Cosoble Cali iyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magalaada Muqdisho.

Kulanka seddex geesoodka ah ayaa waxaa looga hadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka ka dhacaysa dalka Soomaaliya taasi oo ku dareensiinaysa in uu jiro is xulufaysi siyaasadeed oo doorashada lagu loolamayo.

Wallow aan warar rasmiya laga helin shirka gaarka ah ayaa haddana waxaa soo baxaya inuu jiro isbahaysi siyaasadeed oo ay sameynayaan musharixiinta ku kulmay magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed iyo C/qaadir Cosoble Cali ayaa ah labo musharax oo isku heyb ah waxaana ay dadaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa aqlabiyadda taageerada musharixiinta

Dhawaan ayaa hadalo kul kula waxaa war baahinta ka jeediyaya madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasi oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, waxaana laga dhursugayaa natiijooyinka laga helo codka xildhibaanada

Like it? Share it!

Leave A Response