Sheekh Shariif oo markale ka hadlay siyaasadda Soomaaliya

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 18, 2017 | 119 views

18,January,2017(SofoNews) Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Maanta Dib ugu soo laabtay dalka ayaa siweyn uga hadlaya xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Wuxuu Sheekh Shariif sheegay in hadda Dalka uusan Amni ka jirin islamarkaana Dhamaan Magaalada Muqdisho la kala Xir xiray,waxaana uu intaa ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu balan qaadkiisii ahaa Lixda Tiir uusan waxba ka qaban oo taabadalkeeda uu keenay wax lid ku ah oo ka soo horjeeda Lixdii Tiir ee uu horay u balan qaaday.

Hadalkan oo ka jeediyay shirjaraa’id uu ku qabtay magalaad Muqdisho ayuu siweyn ugu eeyeye mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya in ay ku guul daraysteen

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda kamid ah Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya Afarta sano ee soo socota,waxaana uu intaa ku daray in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Musharaxiin Musuq Maasuq ku soo saarteen balse asagu uu Codkooda leeyahay.

Madaxweyne Shariif ayaa kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayadoo lafilaya in dhawaan dalku ay ka dhacdo doorasho.

 

Like it? Share it!

Leave A Response