Shariif Xasan oo  shaaciyay in ra’iisul wasaare uu soo magacaabayo

by Hassan Ali | Monday, Mar 27, 2017 | 121 views

27,March,2017(SofoNews) Dowlada goboleedka K/Galbeed ayaa dadaal ugu jira sidii uu wax uga bedeli lahaa arrimaha maamulkaasi ayadoo uu markii ugu horeysay yeelandoono raiisul wasaare.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu qorsheenayao in dhawaan uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare uu yeesho maamulkiisa badalkii uu yeelan lahaa Madaxweyne kuxigeen.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu soo magacaabayo Ra’isul Wasaaraha Maamulka Koonfur Galbeed marka la ansixiyo golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo dhawaan Baarlamaanka la horgeynayo, waxa uuna Shariif qorshahan ku doonayaa in culeeska isaga yareeyo.
Hadalka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu noqday hadal haynta ugu badan taasi oo ah in maamul goboleed uu yeesho raiisul wasaare.
Waxaa soo muuqaneysa maamul goboleedyada dalka ka jira in ay isla meel dhigayaan dowlada Dhaxe ee Soomaaliya, waxaana madaxda Maamul goboleedyada horey loogu eedeyn jiray in ay galaan heshiisyo aysan dowlada Dhaxe la ogeyn.

Like it? Share it!