Shariif Xasan oo lakulmay baarlamanka Koonfur Galbeed

by Hassan Ali | Friday, Nov 4, 2016 | 151 views

4,November,2016(SofoNews) Shariif Xasan Shiikh Aaden madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo kula kulmay Xildhibaanada Maamulkaasi.

Shariif Xasan Shiikh Aaden ayaa Xidhibaanadaasi kala hadlay xaaladda siyaasadee ee uu Dalku marayo, gaar ahaan tan Maamulkaasi, arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo guud ahaan xaaladaha kala guurka ah.

 

Madaxweyne Shariif Xasan waxaa kaloo uu Xidhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed kala hadlay gaar ahaan xaaladda amni, maadamaa ay dhawaanahaanba ay Deegaano ka tirsan Maamulkaasi ay dagaalo kooxda Shabaab ah ay ka jireen, isagoo ugu baaqay in loo istaago ilaalinta xasiloonida Deegaanada hoos yimaada Maamulkaasi.

Dhawaan ayaa waxaa lafilayaa in doorashooyinkii aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka ay ka bilowdaan gobolada dalka maadaama waxier un ay ka harsantahay waqtiga doorashooyinka.

Like it? Share it!