Shariif Xasan oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynaha Soomaaliya

by Hassan Ali | Sunday, Nov 6, 2016 | 145 views

6,November,2016(SofoNews) Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaadn ayaa maanta waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya2016.

Munaasabad lagu shaacinayaay musharaxnimadiisa ayaa maanta ka dhacday magalaad Baydhabo ee xarunta gobolka Bay taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iyo saraakiil iyo marti sharaf kale.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey ayadoo la arkayay ciidamo farabadan oo magalaadasi amnigeeda sugaya.

Shariif Xasan ayaa ka hadlaya arrimaha siyaasadda iyo yoolkiisa ku aadan ka qeyb galka tartanka madaxtinimo waana markii ugu horreysay oo uu ku dhawaaqo arrintani.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ku soo biiray xubnaha musharixiinta ah ee u tartamaya xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

Is-sharaxaadda Shariifka ayaa ka dambeysay markii uu ruqsad weydiistay xubno ka tirsan Baarlamaanka K/Galbeed oo ka aqbalay inuu is sharixi karo,

Inkastoo dastuurka maamulka K/Galbeed ay ku xusan tahay in Madaxweynuhu isaga oo aan xilka madaxtinimada wareejin is sharixi Karin.

 

Like it? Share it!

Leave A Response